Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo warqadda Iscasilaadiisa soo gudbiyay

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan

Hargeysa (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Waraaqda iscasilaada u gudbiyay Golaha Guurtida .

Guddoomiyaha ayaa waxa uu iscasilaadiisa ku Wargaliyay Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo dhiniciisa ka aqbalay .

Sabtida soo socota ayaa lagu wadaa in uu Guddoomiyuhu arintani faah-faahin ka bixiyo sababaha keenay inuu iscasilo.

Waxaana la filayaa in kursigaas uu buuxiyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Mudanayaasha Golahani ayaa ku fadhiya Nidaamka Beelaha, taasi oo horaba uu ugu soo galay Guddoomiye Saleebaan Sanadii 2004-tii, Xiligaasi oo uu geeriyooday Guddoomiyihii wakhtigaasi ee Golaha Guurtida AUN Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com