Thursday, April 23, 2026
28 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taallada SYL + (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maamusaya Xuska Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo ayaa ubax lagu maamuusayey gobanimada, midnimada iyo geesiyaashii naftooda u huray halgankii gobonnimo doonka dalkeenna dhigay Taallada SYL.

Farmaajo oo tilmaamay in Taallada SYL ay ka mid tahay xusuusaha halgankii dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga ayaa halkaas xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada iyo midnimada dalka, iyaga oo naf iyo maal ba u soo huray Gobanimadeenna.

Madaxweyne Farmaajo Ubaxa markii uu dhigay Taallada SYL, ayaa u gudbay Tiyaatarka Qaranka oo ay ka socoto Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada ee 1-da Luulyo, isaga halkaas khudbad ugu jeedinaya shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...