Saturday, April 11, 2026
28.5 C
Mogadishu

RW Rooble ‘‘Waddada kaliye ee lagu gaari karo horumar waa Midnimo iyo Wadajir”

Muqdisho (Halqaran.com) – Munaasabad lagu mamuusaayo xuska Kowda Luulyo ee maalinta xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ayaa Khamiistii maanta lagu qabtay Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Xuskan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxwenaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ,xubno ka socda labada Gole ee Baarlamaanka, Gobolka Banaadir, Ururada bulshada iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

RW Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa ku baaqay midnimo iyo wadajir.

”Waxaan maanta u Dabbaal degaynaa 1-da Luulyo oo ku beegan Sanad guurada 61-aad ee ka soo wareegtay Xorriyaddii Gobollada Koofureed ee dalkeenna, Midowgii Koofur iyo Woqooyi iyo Dhalashadii Qarankeenna”

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyay; “61 sano ka dib, waxaan baahida ugu weyn u qabnaa midnimo iyo wadajir oo ah jidka kaliya ee aan ku gaari karno horumarka aan hiigsaneyno, kulana tartami karno dalalka iyo dadyowga asaaaggeen ah.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...