Monday, April 20, 2026
29.2 C
Mogadishu

Guddoomiyaha BFS Aadan Madoobe oo la kulmay Jaaliyadda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika.

Johannesburg (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalkaasi uga mahadceliyey kulankaan,islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.

“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idinla kulano ganacsatada  ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Axmed Madoobe).

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...