Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Axmed Madoobe oo DF Somaliya iyo Dowlad goboleedyada ugu baaqay la dagaallanka Al-Shabaab

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in uu murugada la qqeybsano ehelada dadkii ay jeclaayeen ku waayay musiibada ka dhacday Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle halkaas oo Al-Shabaab ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ay ku jiraan carruur aan waxba galabsan.

” Al-Shabaab waxaa ka go’an inay dilaan qof walba oo inaga Mid ah oo ay ku jiraan caruurta iyo haweenka si aan kala sooc lahayn wadada kaliya ee inoo furan Waa in si wadajir ah aan ugu midowno dagaalkooda iyo in aan ka saaro guud ahaan dalkeena ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Qoraal uu soo saaray Madaxweynaha Jubbaland ayaa wuxuu ugu baaqay  bulshada gobolka Hiiraan inaysan ka niyad jabin dadaaladii ay zida iskood ah u wadeeen ee la xiriiray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Habka kaliya ee Argagixisada aan kaga adkaan karo waa in la qaado howlgalo midaysan oo ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo istiraatijiyad amni oo midaysan ayuu hadalkiisa kusoo geba-gabeeyay Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxda ugu sareeysa dalka ayaa cambaareeysay weerarkii dadka Shacabka ahaa lagu dilay Gaadiidkana lagu gubay ee ka dhacay inta u dhaxeeysa Magaalada Beledweyne & degmada Maxaas, iyaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay deg deg uga jawaabi doonto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...