Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Guddoomiyaha BF Soomaaliya oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNDP

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Arrimaha Horumarinta U Qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNDP.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa kulankan la yeeshay Kuxigeenka Wakiilka UNDP ee Somaliya, iyadoo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Golaha Shacabka iyo Hay’adda UNDP.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa muujiyay ahmiyadda ay leedahay, sidii loo dardargelin lahaa wadashaqaynta labada dhinac.

Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobey ayaa kamid ah hay’adaha taageera Dowladda Soomaaliya, iyadoona fulisa mashaariic badan oo dhanka horumarinta ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...