Thursday, April 30, 2026
30.9 C
Mogadishu

AKHRISO: Guddigii uu magacaabay Xaaf oo xildhibaanno cusub kaga dhawaaqay Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Guddiga Doorashada Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo ayaa caawa soo saaray liis ay ku qoran yihiin Xildhibaano, ay ku sheegeen inay yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Guddiga Doorashada ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay, kadib dadaalo ay Odayaasha Dhaqanka u galeen soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ay suurta-gashay in la soo gudbiyo qayb ka mida Xildhibaanadaasi.

Liiskan ayaa waxaa ku qoran magacyada 68 xubnood oo sida ay sheegeen Guddiga ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Madaxweynaha weli talada haya ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa horaantii bishan ka horyimid dhabaha ay dowladda u mareyso dhismaha Galmudug-ta lagu dhisayo Magaalada Dhuusamareeb.

Khilaaf xoogan oo wiiqay geedi-socodka Galmudug loo dhan ah ayaa horseeday wado ay Galmudug ku yeelanayso laba maamul.

Halka hoose ka akhriso Liiska magacyada:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...