Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Xassan Cali Khayre ayaa booqday Isbitaalka Erdoğan oo lagu daweynaayo dhaawacyada weerarkii lala eegtay Injineerrada Turkida ah iyo ciidamada amniga ee ku howlanaa dhismaha waddada Muqdisho & Afgooye.
Maamulka Isbitaalka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay Xaaladda Dhaawacyada la keenay Isbitaalka iyo sida ay kala yihiin iyo sida ay u socoto daaweyntooda.
Mr. Kheyre ayaa sheegay in dowladda ay ku dadaalki doonto daaweynta dadkaasi ku waxyeeloobey qarixii Sabtidii la soo dhaafey lagu weeraraey Injineerada Turkiga xilli ay ku sugnaayeen Bar Koontorool oo ku taalla Afgooye.
Dhaawacyada liita ayaa sida qorshaha uu yahay waxaa maanta loo qaadi doonaa dalka Turkiga si loo soo daaweeyo.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda Qarax Ismiidaamin ah oo lagu dhuftay Shaqaalaha Turkiga ee ku hawlanaay dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Si kastaba, Al-Shabaab ayaa dhawr mar isku dayay carqaladeynta dhismaha wadadaasi oo dhibaato badan ay ka taagan tahay illaa hadda dhameystirkeeda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






