Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiirro, Xildhibaanno iyo qaybaha bulshada.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubnaha wehlinaya ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tagay ka qaybgalka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.
Baarlamaanka Labaad Galmudug ayaa horaantii sanadkan lagu soo dhisay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo 17-kii bishii January doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa, halka 2-dii bishii Febuary ay soo doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com