Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Guddoomiyaha Aqalka sare ee BF Somaliya ‘Xaashi’ oo gaaray Dhuusamareeb +(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiirro, Xildhibaanno iyo qaybaha bulshada.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubnaha wehlinaya ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tagay ka qaybgalka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Baarlamaanka Labaad Galmudug ayaa horaantii sanadkan lagu soo dhisay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo 17-kii bishii January doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa, halka 2-dii bishii Febuary ay soo doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...