Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa War-murtiyeed ka soo saaray Shirkii Garoowe uga socday maalmihii la soo dhaafay.
Labadan Mas’uul ayaa waxay ay sheegeen in wada hadal doorashada ku saabsan la galayaan Madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya, islamarkaana ay u safri doonaan Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa war-Saxaafadeedka ku sheegeen in intii ay shirarka uga socdeen Magaalada Garoowe ay wada hadallo dhinaca taleefoonka ah yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, islamarkaana ay ka wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha siyaasadeed ee dalka.
Halka hoose ka akhriso War-murtiyeedka Shirkii u socday Madaxda Puntland iyo Jubbaland:
Halka hoose ka daawo Muuqaalka War-murtiyeedka oo uu Akhrinayo Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane Cabdulaahi Timacade.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com







