Friday, April 17, 2026
28.8 C
Mogadishu

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland oo doortay guddoon cusub

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa maanta doortay shir guddoon, ka dib doorasho ka dhacday Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Toddobo ka mida kow iyo tobanka xubnood ee guddigaasi uu ka kooban yahay ayaa Khadar Xariir Xuseen u doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Guddiga, halka Gudoomiye Ku-xigeenka Guddiga loo doortay Nagiib Xuseen Samaale.

Khadar Xariir ayaa horey u ahaa Gudoomiyaha Guddigan, ka hor intii aanu Talaadadii kala dirin Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ka dib markii uu guddigu laba garab u kala jabay, bishii hore ee July.

Afartii xubnood ee kale ee guddigaasi ayaa ka maqnaa madasha, waana xubnihii uu soo magacaabay Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Natiijada doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Madasha ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, Mukhtaar Xuseen Afrax, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Cabdixakiin Xasan Ashkir, Taliyaha Ciidanka Booliska, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka.

Gudoomiye Xaashi ayaa Khamiistii Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inaanu dhexdhexaad ka ahayn khilaafka garabkiisa kala dhaxeeya garabka uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo Somaliland ay ka soo wada jeedaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...