Muqdisho (Halqaran.com) – Waaxda Arrimaha Dibadda Dowlada Mareykanka ayaa Jimcihii shaacisay in liiska argagixisadda caalamiga ah ku dartay laba ka mid ah hoggaanka Ururka Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga hor istaago wax kasta oo lahaansho ah ee ay haystaan kooxdani, si loo xakameeyo ficiladooda argagixisanimo.
Labadda xubnood ayaa kala ah Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka kooxda Argagixsadda ah ee Al-Shabaab iyo Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqaadir (Ikrima) oo isaguna ah fududeeyaha iyo qorsheeyaha hawlgalada.
Sidoo kale, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in cunno qabatayn caalami ah la saari doono cid kasta oo la macaamisha kooxdan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





