Saturday, April 11, 2026
28.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo taageeray doorashada lagu kala qeybsamay ee Guddoonka Dooroorashooyinka Gobollada Waqooyi

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Shir guddoonka ay maanta doorteen Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeeyay Xubnaha Guddoonka Guddiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta oo Sabti ah is doortay. Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku booriyay Xubnaha Guddoonka la doortay in ay dardargeliyaan, sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka, iyaga oo kaashanaya Guddiga Heer Federal ee FEIT.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday Siyaasiyiinta Somaliland, ee ay kala hoggaamiyaan Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeen Mahdi Guuleed.”

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...