Garoowe (Halqaran.com) – Waxaa Axadda maanta ah xiran inta badan goobaha ganacsiga ee magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland.
Arrintaan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay, kadib markii uu kor u sii kacay sarifka doollarka, sidoo kale la xadiday lacagta danabaysan ee shirkadaha Isgaarsiinta.
Goobaha Ganaciga ee Magaalada Garoowe ee maanta xiran ayaa waxaa kamid ah Suuqyada khudaarta iyo hilibka ee Inji, bacadlayaasha iyo inta badan goobaha kale ee ganacsiga Magaalada.
Dhinaca kale, qaar kamid ah dadka ku nool magaalada Garoowe ayaa waxaa ay banaanbax ka dhigeen waddooyinka qaar ee Magaalada, iyaga oo ka cabanaya maciishada oo sii qaaliyoobaysa, sarifka oo aan fadhin iyo lacagta danabaysan oo la xadiday.
Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay ku dhaliileen dowladda Puntland inay ka gaabisay wax ka qabashada cabashada dadka danta yar, islamarkaana tallaabo ay ka qaado dadka sariflayaasha ah.
Ugu dambeyn, wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamo farabadan oo ka tirsan booliska Puntland la dhoobay waddooyinka qaar ee Magaalada, iyadoo laga cabsi qabo in banaanbaxyada ay isku bedelaan kuwo rabshado wata.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





