Sunday, June 21, 2026
25.9 C
Mogadishu

AKHRISO: Jubbaland oo war cusub ka soo saartay mowqifkeeda ku aadan doorashada 2020/21

Kismaayo (Halqaran.com) – Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Arrimaha doorashooyinka ee ku soo fool leh dalka oo ay kamid yihiin doorashooyinka Baarlamaanka labada Aqal ee la filayo inay ka dhacaan meelo ay kamid yihiin Muqdisho iyo dowlad goboleedyada ay kamid tahay Jubbaland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Jubbaland ay fahamsan tahay muhiimada ay leedahay kana Shaqeyneyso in dalka ay ka qabsoonto doorasho waqtigeda ku dhacda, hufnaan ku saleysan, loo siman yahay xor iyo xalaalna ah, taas oo Soomaaliya u horseedi karta midnimo iyo dowlad Wanaag.

Sidoo kale Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in qeyb weyn kasoo qaadateen shirarkii looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka dalka, taas oo ugu dambeyn sababtay in heshiis doorasho lagu gaaro 17-kii bishii September Magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Jubbaland oo sigaar ah uga hadashay Arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka ee la filayo in lagu qabto deegaannada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegtay inay dalbanayaan in gacanta Maamulka lagu soo celiyo Gobolka Gedo si ay ugu qabtaaan doorashada.

“ Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa ay dalbaneeysaa in gacanta dowlad goboleedka lagu soo celiyo maamulka, garsoorka iyo Amniga Gudaha gobolka Gedo, taas oo Ciidamo u abaabulan qaab Jabhadeed oo ka amar qaata saraakiil ka tirsan NISA la wareegeen muddo hadda laga joogo 10 Bilood, islamarkaana aysan doorasho ku qaban karin meel aan sharci iyo kala dambeyn ka jirin sida hadalka loo dhigay.

Jubbaland ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed uga garnaqaan caqabadaha uu wadanka wajahayo, sidoo kale inay Beesha Caalamka markhaati ka noqoto xaalada cakiran ee xilligan  si looga baaqsado qalqal amni qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, xilli dhawaan Madaxweynaha Jubbaland uu si cad u sheegay in doorasho ku qabneyn deegaannada Jubbaland ilaa inta gacanta ku heynta gobolka Gedo loogu wareejinaayo, waxaana taasi ay keentay in dowladda Soomaaliya ay ka carooto hadalka Axmed Madoobe, isla markaana ay dalka ka saartay safiirkii Kenya una yeertay safiirka Soomaaliya ee Kenya, iyada oo sheegtay in ay faragelisay Arrimaha Soomaaliya, islamarkaana Axmed Madoobe ay ku cadaadisay Go’aanka uu qaatay.

Halka hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...