Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Golaha Siyaasiyiinta gobollada waqooyi ‘garabka Cabdi Xaashi’ oo ka horyimid habraaca doorashada

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee Somaliland garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa ay ka horyimaadeen habraaca doorashada Aqalka Hoose oo ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaran.

War qoraal ah oo ay golaha soo saareen ayaa waxaa ay ku sheegeen in aysan rali ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland, balse ay soo dhaweeynayaan in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi la waafajiyay habraacyadii sanadkii 2016-kii.

Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ayaa waxaa ay sidoo kale soo saareen Saddex qidib oo ay sheegeen inay muhiim u tahay in xal laga gaaro doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, kuwaas oo kala ah.

  1. Gudiga Doorashada Somaliland ee SEIT wuxuu u kala qaybsan yahay laba dhinac oo laba gudoon, sidaas darteed iyada oo aan la xallin oo la mideyn guddoonka Guddiga dhici karto doorashada Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka toona.
  2. Doorashada Golaha shacabka ee Somaliland waxaa saldhig u ah odayada dhaqanka ee ku jira 135-ka oday, sida xulista ergada iyo astaynta qoondada kuraasta haweenka iyagoo la tashanaya cuqaasha iyo nabadoonada jifada kursiga iska iska leh.
  3. Sidii aan marar badan hore u caddeynay, hirgelinta habraacyada iyo maamulka doorashada waxaa hagaya hogaanka siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland oo isu dhan si waafaqsan habraacii doorashadii 2016 kii. Sidaa awgeed, xafiiska RW xaq uma lahan in uu kuraasta Somalialnd iyo kuwa banaadiriga u maamulo si ka duwan sida uu u maamulayo doorashada guud ee Dalka.

Ugu dambeyn, waxaanu cadeynaynaa in siyaasiyiinta ka soojeeda Somaliland u taagan yihin midnimada dalka iyo xoojinta wadajirka Soomaaliya, ayna xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan aayahooda oo ay qabsadaan doorasho madaxbanaan, hufan oo xor iyo xalaal ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...