Thursday, April 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo shir Guddoomiyay kulan Golaha Wada-tashiga Qaran ay la yeesheen Wakiilada Beesha caalamka

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomiyey kulan u dhexeeyey Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka iyo wakiilada  Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa looga hadlay dar-dargelinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo dadajinta dhaqaalaha farsamo ee  saaxiibada caalamka kaga aadan Hannaanka doorashooyinaka.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay horumarada laga sameeyey hannaanka doorashooyinka uu dalku galay, maadaama la dajiyey habraacyada doorashada Golaha shacabka Barlamaanka F. Soomaaliya iyo muhiimada uu amniga u leeyahay doorashada.

Mr Rooble ayaa xusay sida ay uga go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho, la isku raacsan yahay,  si nabdoon ku dhacda, cid kasta oo tabasho qabtana  laga qancin doono, si hannaanka doorashadu u noqdo mid ay dhammaan dhinacyada siyaasaddu raali ka wada yihiin.

Si kastaba, Wakiilladda Beesha Caalamka ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku boggaadiyey kaalintiisa hoggaamineed ee horseeday horumarka iyo is fahamka ay ku socdaan Geeddi socodka doorashooyinka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...