Tuesday, April 21, 2026
29.9 C
Mogadishu

Taalibaan oo ku adkeysaneysa in aan waqti loogu darin Mareykanka iyo xulafadiisa

Kabul (Halqaran.com) – Taalibaan ayaa ka digtay inuu jiri doono “cawaaqib” haddii Mareykanka iyo xulafadiisa ay baaqi kusii ahaadaan Afghanistan wax ka baxsan toddobaadka soo socda, xilli Washington ay kordhisay dadaalka ay dalkaas uga daadgureyneyso kumanaanka qof.

Kumanaan askari oo Mareykan ah ayaa dalkaas gaaray, si ay gacan u gaystaan daadgureynta ajaaniibta iyo Afgaaniyiinta Mareykanka la shaqeyn jiray.

Balse iyada oo waqtigu gabaabsi yahay, ayaa waxaa cadaadis xooggan lagu saarayaa madaxweyne Joe Biden inuu kordhiyo waqtiga kama dambeysta ee ay tahay inay dalkaas uga baxaan, oo ah 31-ka August.

Si kastaba, Taalibaan ayaa muujineysa inaysan diyaar u aheyn inay tanaasul sameyso.

Afhayeenka kooxdaas Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinika Sky News in joogitaan kasta oo militari shisheeye oo ka baxsan waqtiga lagu heshiiyey ay noqon doonto dheereynta haysashada dalka.

“Haddii Mareykanka iyo UK ay doonayaan waqti dheeri ah oo ay kusii wadaan daadgureynta – jawaabta waa maya.. waxaa jiri doona cawaaqib,” ayuu yiri Shaheen.

Taalibaan ayaa hadda ka shaqeyneysa dhismaha dowlad cusub, hase yeeshee laba il-wareed oo ka tirsan kooxda ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay inaan lagu dhawaaqi doonin golaha wasiirada, illaa askariga ugu dambeeya ee Mareykanka uu ka tago Afghanistan.

Ugu dambeyn, orodka loogu jiro ka tagista Kabul ayaa garoonka diyaaradaha Hamid Karzai ka abuurtay qalaalaase iyo muuqaallo argagax leh, ayada oo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...