Monday, June 22, 2026
25.2 C
Mogadishu

Gobolka Banaadir oo si rasmi loogu wareejiyay maamulka Waxbarashada ee Caasimadda +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Xukuumadda oo dedaal xooggan ugu jirta tayenta heerka waxbarasho ee dalka iyo daadejinta hannaanka loo maamulo waxbarashada, ayaa maamulka gobolka ku wareejisay mas’uuliyadda maamulka waxbarashada caasimadda.

Ku wareejinta maamulka Gobolka maamulka waxbarashada ayaa ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wasaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

Ujeedada is-fahamka uu maamulka Gobolku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in Gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo sii hayaha Wasiirka waxbarashada dalka, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay bulshada gobalka Banaadir iyo guud ahaan hagaajinta waxbarashada ay u leedahay in maamulka gobolka uu la wareego mas’uuliyadda waxbarashada Gobolka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo guul weyn ku tilmaamay daadejinta maamulka waxbarashada, ayaa maamulka gobolka kula dardaarmay in sida ugu haboon ay uga soo dhalaalaan mas’uuliyadda maanta lagu wareejiyay.

Ugu damebyn, heshiiskaan is-fahamka ah ayaa ku dhisan sharciyad, sida ku cad Dastuurka dawladda federaalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...