Sweden (Halqaran.com) – Barnaamijka ”waxaan usoo joogay” ah Podcast laga daawado YouTube-ka sidoo kalana isaga oo dhageysi ah laga heli dhammaan goobaha podcast-yada laga dhageysto sida spotify iwm ayaa waxaa Axadda maanta inoogu marti ah agaasimaha Warbaahinta HalQaran.com AbdiFatah Hassan Adde.
AbdiFatah Hassan ayaa ka sheekeyna sida uu kusoo bilaabay saxaafada iyo wixii uu usoo joogay muddadii uu ku guda jiray xirfada warbaahinta, waxyaabihii ugu naxdin badnaa iyo sidoo kale ugu farxada badnaa.
Agaasimaha ayaa horay uga soo shaqeeyay warbaahinno badan oo Soomaali iyo ajaaniib isugu jira, waxa uuna haatan Milkiile iyo Agaasime ka yahay warbaahinta HalQaran.com oo ah website warbixinnada dhacdyoonkii ugu dambeeyay u gudbiya ummada Soomaaliyeed maalin walba.
Halkaan ka daawo wareysiga Milkiilaha/Agaasimaha HalQaran News oo dhammeystiran.
Xafiiska Wararka Halqaran.com, Stockholm, Sweden
Halqarannews@gmail.com





