Geneva (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Talaadadii maanta magaalada Geneva kula kulmay u qeybsanaha Midowga Yurub ee arrimaha bani’aadminimada Predrag Avramovic.
Labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen taageerada Midowga Yurub iyo kaalintooda ku aaddan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.
Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay in ay ka go’an tahay in ay kordhiyaan taageeradooda Soomaaliya, si looga jawaabo xaaladda bani’aadminimo ee ka dhalatay abaarta adag ee ka taagan Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Geneva uga qeyb galaya Shirka Abaaraha dalalka Geeska Afrika, kaas oo dalal badan ay ballan qaadyo sameeynayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





