Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Talaadadii maanta Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa isku soo sharaxday illaa Saddex musharrax oo kala ah Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Cusmaan Abokor Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamaca. Wadarta Senatarada oo dhan 54 Mudane ee uu ka kooban yahay Aqalka Sare ayaa Goobta doorashada ku sugnaa.
Xubnaha ku tartamay doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa waxaa ay codadka u kala heleen Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ahaa Guddoomiyhii hore ee Golaha Aqalka Sare ayaa helay 28 Cod, Saalax Axmed Jaamac oo helay 24 Cod iyo Cusmaan Abuukar Dubbe oo helay 2 Cod. Sida uu ku dhawaaqay Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare.
Cabdi Xaashi ayaa markale 4 sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golahan.
Ninkan oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ugu dambeyn, guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ahaa Guddoomihii hore ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayada oo ay xusid mudantahay in uu ahaa Guddoomihii ugu horreeyay uu yeesho Golaa Aqalka Sare.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





