Mudug (Halqaran.com) – Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka warbixisay howlgallada Al-Shabaab looga saarayo gobolka Mudug, kuwaasoo ka socda deegaanno ku yaalla agagaarka degaanka Bacaadweyn.
Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in Hawlgal ballaaran iyo weerar jihooyin kala duwan leh ayay subixii Jimcaha maanta ciidamada amniga Galmudug iyo ciidamada qaranku ku ekeeyeen goobo badan Al-Shabaab ay joogeen.
“Kooxda argagixisada Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay argagixisadu ku doonayeen in ay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah, balse Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaana goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda Amniga.
Ciidamada huwanta ah ayaa ku sii sigaya magaalada Camaara ayagoo burburiyey difaacyo Al-Shabaab ay dhigeen hareeraha Camaara iyo Bacaadweyn.
Maamulka Galmudug waxay sheegtay in howlgalkaan uu sii socon doono iyadoona u jeedadu ay tahay in ciidanka Ammaanka ay gaaraan degmada Xarardheere.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





