Thursday, November 13, 2025
26.1 C
Mogadishu

Gabar Soomaaliyeed oo ku tartameysa feerka Ciyaaraha Olombikada Tokyo ee Japan

Tokyo (Halqaran.com) – Ramla Cali oo ah feeryahanad ayaa Soomaaliya ku meteleysa ciyaaraha Olympics ee Sanadkan 2021-ka ka billaaban doona dhammaadka bishan July magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Ramla ayaa waxa ay samaysay 10 sanno oo tababar ah, si ay Qaranka Soomaaliyeed Guul ugu soo hoyso Ciyaaraha ka dhacaya Jaban, sida ay ku sheegtay Barteeda Twiterka .

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa guul u rajeyeey Ramla Cali.

Sidoo kale, Shacabka Soomaaliyeed ayaa kalsooni buuxda ku qaba inay Ramla guul taariikhi ah ka keeni doonto ciyaaraha Olympics, iyagoo umuujinaya Taageero iyo garab istaag aan kala sooc lahayn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...