Tuesday, April 21, 2026
31.9 C
Mogadishu

Baarlamaanka Puntland oo maanta Ansixiyay mooshin la xiriira …

Garoowe (Halqaran.com) – Golaha Wakiillada dowlad goboleedka Puntland ayaa Axadda maanta ah kulan ku yeeshay magaalada Garoowe, iyadoo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jabriil.

Golaha Wakiillada maamulka Puntland ayaa maanta Ansixiyay mooshin la xiriira wax ka beddelka xeerka hoosaadka Golaha.

Kulanka maanta ayaa waxaa soo xaadirtay 52 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, wax-ka-bedelkaas oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, soo jeedinta kadib goluhu ku taageeray cod aqlabiyad ah.

Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxaa oggolaaday 38 Xildhibaan , waxaana diidey 10 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 4 Xildhibaan.

Sidoo kale, ansixinta xeerkan ayaa waxaa la sheegay inay meesha ka saarayso Guddoomiyayaasha Wakiillada Puntland oo ay badnayd in mooshinno lagu rido, iyada oo horey  loogu ridi karay 34 mudane oo ahayd tiro yar.

Ugu dambeyn, Ansixinta xeerkan ayaa ku soo beegmaya xilli Golaha Wakiilada Puntland ay horay u rideen Guddoomiyihaoodii hore ee Cabdixakiin Dhoobo-Daareed, sidoo kalena ay xasaanada Xildhibaanimo ay ka xayuubiyeen 8 mudane.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...