Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya, in deegaan ku yaalla duleedka Koonfureed ee Caasimadda Galmudug uu dagaal xooggan ku dhexmaray ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor iyo NISA iyo Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen degaannada Ceeldheere iyo Tuulo-xaayoow oo dhaca inta u dhexeysa laamiga xiriiriya Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalla ay Al-Shabaab uga dileen 8 Xubnood, sidoo kale ay uga furteen ku dhowaad 10-qori oo ah boobayaal.
Sidoo kale, waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku qaadeenada u dhaxeeya Guriceel iyo Dhuusamareeb uu ka dambeeyay kadib markii ay ka warheleen inay miinooyin wadada ku Aasayaan Al-Shabaab.
Si kastaba, dhowr jeer oo hore ayaa deegaanno hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





