Wednesday, April 22, 2026
28.6 C
Mogadishu

DHAGEYSO: Maxaa ka jira in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu cuntadii ka soomay? +(Wareysi)

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa lagu soo warramayaa in Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu maalintii labaad uu ka sooman yahay Cuntada, sida ay Halqaran News u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa muddo Saddex sano ku dhow u xiran yahay dowladda Soomaaliya, isagoo lagu hayo guri ku yaalla magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Xisbiga Amniga iyo Cadaallada Yuusuf Xasan Mursal oo wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in Abuu Mansuur uu ilaa iyo Khamiistii ka soomay cuntada.

Yuusuf Xasan Mursal oo tan iyo markii Mukhtaar Roobow la xiray u ololaynayay sidii loo sii dayn lahaa ayaa intaasi ku daray, in ku dhawaad saddex sano u xiran yahay dowladda dhexe, iyadoona aan cidna loo ogoleyn inay aragto Abuu Mansuur.

Ma jirto ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan arrinta Mukhtaar Roobow ee Cunto ka soomida.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga Yuusuf Xasan Mursal:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...