Kismaayo (Halqaran.com) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xalay ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasi oo ka dhacay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray maqaaxi ku taala xaafadda Siinaay, waxaana ku dhintay inta laga ogyahay hal qof, halka sideed kalana ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya, in dadka qaar uu qaraxaasi ka soo gaaray dhaawac culus, haataana xaaladda lagula tacaalayo Isbitaalka weyn ee Kismaayo.
Ciidamada ammaanka oo gaaray halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ka sameeyay baaritaan la xiriira kuwii bambada ku tuuray maqaaxida, walow aysan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan dembiileyaasha.
Weli kama aysan hadlin maamulka Gobolka Jubbada Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Jubbaland qaraxii xalay ka dhacay Xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





