Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Shirka Wadatashiga ee Madaxda dowlad goboleedyada oo maanta ka furmaya Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Halqaran.c.om) – Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta oo Sabti ah lagu wadaa inuu ka furmo shir wadatashi oo ay ku leeyihiin Madaxweyneyaasha Shanta Maamul Goboleed ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sida uu qorshuhu ahaa shirka ayay ahayd in Khamiistii uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, balse dib u dhaciisa waxaa lagu sheegay, iyadoo wafuudda qaar ay xilli dambe oo Khamiistii gaareen magaaladaasi, shalayna ay ahayd maalin nasiino oo Jimco ah.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa la fillayaa in maanta uu Magaalada Dhuusamareeb ka furo shirka Madaxda Maamul Goboleedyada.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in Galmudug ay ku hawlan tahay, sidii ay isugu soo dhawayn laheyd Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Fiqi oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in Galmudug loo arkay mid dhexdhexaadin karta Dowladda Federaalka iyo maamulada qaar, ee ay siyaasadda ku kala aragtida duwan yihiin.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa xusay, in aanay Galmudug cidina la safnayn, hadafkeeduna uu yahay in dalka horey looga dhaqaajiyo xaaladda uu haataan wajahayo.

Ugu dambeyn, ka hor inta aan shirka lagu soo gebagabeen Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa suurtagal ah in lagu soo casuumo Dowladda Federaalka, si hadhow looga soo wada saaro war-murtiyeed loo dhan yahay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...