Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan duqeyn iyo dagaal ka dhacay G/Bari

Bari (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin cusub ka soo baxaya dagaal iyo duqeyn subixii Talaadada maanta ah ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari.

Dagaalkaas ayaa waxa uu u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ka tirsan Ururka Daacish.

Ciidanka Puntland ayaa weeraray deegaanka Ceelka il oo hoostagga tuulada Timirshe ee Degmada Iskushuban Gobolka Bari, halkaasi oo dagaalyahannada Daacish ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in dagaalka uu bar-bar socday duqeyn xoog leh oo lagu garaacay goobaha gabaadka ay ka dhiganayeen xubnaha ka tirsan Daacish ee weerarka lagu qaaday.

Saraakiisha Ciidamada Puntland wali ma aysan bixin faah faahin ku aadan weerarka ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Xubnahan Daacish ka tirsan.

Lama oga sidoo kale ilaa iyo hadda inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkaasi Ciidamada Puntland ay ku qaadeen maleeshiyaadka Daacish.

Ururka Daacish ayaa saldhigyo kala duwan waxa ay ku leeyihiin deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Bari, halkaasi oo ay ka soo qorsheeyaan weerarada ay ku qaadaan Goobaha Ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...