
Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaya, weerar madaafiic ah oo subixii Axadda maanta lagu qaaday xarunta taliska ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Xalane, sida ay Halaran.com u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhow xeradaasi.
Wararka ayaa sheegaya, in madaafiicda qaar ay ku dhaceen goobo dad shacab ah ay joogeen gaar ahaan Suuq lagu kala iibsado Geela oo ku dhaw Xarunta Xalane ee Degmada Wadajir.
Goobjooge ayaa mareegta Halqaran.com u sheegaya, in hal madfac uu ku soo dhacay suuqa lagu kala iibsado Geela, islamarkaana Khasaare dhaawacyo ah uu soo gaaray Geelka.
Qaar ka mid ah hoobiyayaasha oo dhaafay bartilmaameedkii loo waday ayaa ku dhacay xaafad ay deganaayeen dad rayid ah oo ku taalla degmada Wadajir, waxaana halkaasi ku geeriyooday afar qof oo rayid ah, isku reer ah.
Ururka Al-Shabaab oo durba joogtay sheegatay masuuliyadda weerarka Madaafiicda ah ayaa waxa ay sheegeen 7 Madfac inay ku weerareen Xerada Xalane, Khasaarana ay gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM ee ku sugan xeradaasi.
Ilaa iyo hadda ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Kooxda Al-Shabaab oo xaqiijinaya in Khasaare uu ka dhashay Madaafiicdaasi, marka laga reebo Madfaca ku dhacay Suuqa Geelka lagu kala iibsado.
Weerarkan hoobiyaashan ah ayaa noqonaya markii labaad oo xerada Xalane lagu tuuro bishaan gudaheeda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





