Tuesday, June 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

TURKIGA oo si kumeel gaar ah shaqaalaheeda uga daad-gureeyay Caasimadda Muqdisho (SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay laga daad-gureeyay shaqaalaha Turkiga ee  muddooyinkii ugu dambeeyay ka shaqeynayay gudaha Caasimadda Muqdisho.

Diyaaradda Turkish Airlines ayaa Shaqaalaha Turkiga ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, kaddib markii halkaasi la isugu geeyay.

Waxay tani daba-socotaa amarkii dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ee la xiriiray, in dalka lagu soo celiyo Shaqaalaha Turkiga ee dibadda ka hawlgala.

War qoraala oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in si ku-meel-gaar ahi Shaqaalaha Turkiga looga saaray Magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortaggayo faafitaanka Coronavirus.

“Digtoonaantii uu qaatay Madaxweynaheena si looga hortago faafitaanka Covid-19, muwaadiniinteena ku sugan gudaha Soomaaliya waxay si ku-meel-gaar ah uga guureen Muqdisho, iyagoo raacaya inaanan muwaadiniinteena dibadda looga keenin xanuunka.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn, Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Soomaali leedahay, iyadoo ka caawisa dhinacyo badan. Dadka Soomaaliyeedna waxaa ay Madaxweyne Erdogan ku ammaanaan hoggaamiyaha muuqdo, ee ay maanta leedahay dunida Islaamka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gamil.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...