Friday, May 15, 2026
28.9 C
Mogadishu

Sarkaal cusub oo loo magacaabay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Boondheere, kaddib markii…

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliye cusub oo loo magacaabay Saldhiga booliska degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, kaddib markii taliyhii hore ee ciidamada booliska Soomaaliyeed Sabtidii shalay xilkii laga qaaday.

Sarkaalka cusub ee loo magacaabay xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Boondheere ayaa waxaa lagu magacaabaa Dhamme Cabdi Shiikh Ciise, kaasi oo si toos ah shaqada ula wareegay.

Degmada Boondheere ayaa waxaa ka dhacay habeen hore dil uu gaystay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kadib markii uu rasaas ki furay haweenay umul aheyd iyo wiil dhalinyaro ahaa.

Shacab kala duwan oo ka careysan dilka loo gaystay labadaasi ruux ayaa Banaanbaxyo rabshado wato Sabtidii shalay ka dhigay Degmada Boondheere, taasi oo keentay ugu dambeyn in xilkii laga qaaday Taliyaha Saldhiga Booliska Boondheere.

Sidoo kale, isbeddelo ayaa la filayaa in ay ka dhacaan Saldhigyada Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana suuragal ah maalmaha soo socda inay dhacaan isbedeladaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...