24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Faah-faahin cusub laba qarax oo lala eegtay Ciidamada Burundi ee deeganka Buurane & Wararkii ugu dambeeyay

Mahadaay (Halqaran.com) – Ciidanka Burundi ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ayaa waxaa maanta laba qarax lagula beegsaday duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka Burundi ayaa qarax wadada dhinaciisa lagu aasay lagula eegtay Deegaanka Buurane, oo dhaca duleedka Degmada Mahadaay, waxaana qarax ka dib la maqlay rasaas ay dhawr jiho ciidankaasi u furayn.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu burbur xoogan soo gaarsiiyay gaari Taw ahaa oo Ciidanka Burundi ay la socdeen. Dadka deegaanka waxay sheegeen in afar askari ku dhimatay qaraxaasi.

Ciidan gurmad ahaa oo ka soo dhaqaaqay xerada Amisom ku leedahay Deegaanka Buurane ayaa qarax labaad lagula eegtay meel ku dhow, halkii qaraxa hore lagula beegsaday kolonyada Ciidanka Burundi.

Gurmadkii Ciidanka Burundi u socday ayaa ku hakaday goobtii qaraxa lagula beegsaday, waxaana adag in faah faahin laga helo waxyeelada uu qaraxaasi ka soo gaaray Xoogaga AMISOM.

Dhanka kale, Ciidanka Burundi oo halkaasi ka sameeyay hawlgalo qaraxydaasi ku aadan ayaa gacanta ku soo dhigay koox dhalinyaro ah, kuwaa oo la soo sheegayo in ay u kaxeysteen xeradooda Buurane.

Ciidanka Burundi ayaa dhalinyaradaasi ku tuhmaya in ay ka masuul yihiin qaraxyadaasi amaba ay xiriir la leeyihiin maleeshiyada Ururka Al-Shabaab. Qaraxyadan oo aanay sheegan Al-Shabaab ayaa hadana iyaga lagu tuhmaya in ay ka masuul yihiin.

Ururka Al-Shabaab oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka dalka ee Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa dagaalka ay dalka ka wadaan waxaa qayb ka ah qaraxyada ay gaysanayan.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...