Sunday, December 14, 2025
26.5 C
Mogadishu

Duqa Muqdisho oo maanta kulan la qaatay Madaxda Hay’adda Qatar Charity

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Madaxa Hey’adda Qatar Charity ee Soomaaliya Mudane Abdulfatah Adam Moalim oo ay wehliyaan Madaxa Qeybta Daryeelka Bulshada ee Qatar Charity Mudane Xaamud Maxamed iyo Isku-duwaha Dowladda Qatar iyo Soomaaliya Mudane Abuubakar

Labada dhinac, ayaa ka wada hadlay dar-dargelinta howlaha muhiimka u ah Shacabka Soomaaliyeed oo ay Hey’adda Qatar Charity ka qabato Gobolka Banaadir, iyo fulinta Mashaariicyo Horumarineed oo ay Dowladda Qatar ka fulin doonto Gobolka Banaadir, kuwaasi oo isugu jira Caawinta Agoomada, Xarumaha Waxbarashada, Caafimaadka iyo gar-gaarada Bini-aadannimo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa yiri ” Waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sidaad inoo garab taagan tihiin haddii aan nahay  Shacabka Soomaaliyeed iyo Kaalinta aaad ka qaadateen dib-u-dhiska dalka, horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha muhiimka ah”.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...