Muqdisho (Halqaran.com) – Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysane lagu magacaabo Xuseen Xasan Gaaboow, kaasi oo Baraha Bulashada ka soo muuqday asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar aad u da’yar.
Muuqaalo iyo sawirro Baraha Internet-ka lagu baahiyay ayaa muujinayay Ninkaan oo Tacaddiyo u gaysanaya Gabadhaasi yar, taasi oo u muuqata inuu siiyay Maandooriye, waxaana si weyn uga falceliyay Bulashada Soomaaliyeed.
Taliyaha qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa la sheegay inuu bixiyay amar deg-deg ah oo ku aaddan sidii Ninkaasi Gacanta loogu soo dhigi lahaa, waxaana saacado kooban kadib la soo qabtay Xuseen Xasan Gaaboow oo degganaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaaadir.
Taliska Guud ee Gobolkani Banaadir iyo Taliska Saldhigga Degmada Kaaraan ayaa iska kaashaday sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Eedaysanaha, waxaana Saraakiisha Booliska ay sheegeen in ay Sharciga la tiigsan doonaan Eedaysane Xuseen Xasan.
Taliye Ku Xigeenka 2aad ee Booliska Genaraal Zakiya Xuseen oo Qoraal soo saartay kadib Qabashada Ninkaa, ayaa sheegtay in sharciga la hor geyn doono, sidoo kalena waxaa ay u mahadcelsiay Bulshada Soomaaliyeed oo Xogta Eedaysanaha la wadaagay Booliska.
“Taliska Boliiska G/Banadir gaar ahaan Saldhiga degmada Kaaraan ayaa abaaro 1:50am xalay saqdii dhexe ku guuleystay soo qabashada eedeysane Xussein Xassan Gaboow oo dhawaan baraha bulshada lagu arkay asigoo tacidiyad u geeysanaya gabar/gabdho qaangaar ahayn. Eedeysanaha waxaa lala tiigsan doonaa sharciga.Waxaan u mahad celinaayaa bulshada oo nala soo wadaagtay xogtiisa oo sababtay soo qabashadiisa”ayay tiri Genaraal Zakiya oo Qoraal soo saartay kadib Soo qabashada Eedaysanaha.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com