Saturday, April 18, 2026
28.2 C
Mogadishu

Madaxweyne Xasan “Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan‘‘ (+SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Tiyaatarka Qaranka kaga qeyb galay munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintan qiimaha badan.

Madaxweyne Xasan ayaa xusay in Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku soo shaqeeyeen duruufihii adkaa ee dalku soomaray, iyaga oo u dhabar adaygay si ay u badbaadiyaan Mustaqbalka Ubadka Soomaaliyeed, una soo saaraan jiilal tayo leh oo aasaas u ah horumarinta dalkeena iyo samatabixinta dowladdnimada Soomaaliyeed.

“Bahda waxbarashada waxaan ku biiray xilli adag oo dalka ay ka jireen duruufo qallafsan, waxaa khatar ku jiray nolashayada iyo tan ardayda, saas oo ay tahay waxaan culeysyadaas kala duwan ku ilaawi jirnay qiimaha shaqada aan qabanayno iyo rajada aan ka qabnay in ay aasaas u noqoto jiilal dadka iyo dalkaba waxtara”.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal ku bixinayso dib u habeynta nidaamka waxbarashada dalka, taas oo ku saleysan baahiyaha ardayda, macalimiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada, waxa uuna sheegay in kor loo qaadayo miisaaniyadda waxbarasha dalka, si loo horumariyo nolasha Bareyaasha Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...