Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo la soo wareegtay haweeney 15 sano Xabsi ah ku xukunneyd dalka Kuwait

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay oo ay taariikhdu tahay 10 Oct 2022, garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku kula wareegay Faadumo Cabdullaahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018.

Faadumo ayaa waxaa lagu helay dambi ay ku eedeeyeen Dacwa oogista dalka Kuwait, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, xarigaas oo ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ka cafiyay kala bar.

Daddaal dheer iyo xiriiro uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha iyo hay‘adaha kale ay khusayso la sameeyeen dalka Kuwait waxaa suurta gashay in taariikh 10 Oct 2022 dalka dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, si ay wadanka ugu qaadato inta u dhiman xarigeeda.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo uu matalayay Ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Yaxye Maxamuud Siciid ayaa muwaadinaddan kula wareegay garoonka diyaaraddaha Adan Cadde International ee Muqdisho, waxaana uu ugudbiyay Xarunta Denbi Baarista Dalka ee CID si arrinkeeda sharciga loo waafajiyo.

Ugu dambeyn, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa ka go’an in dhammaan dalka dib loogu soo celiyo muwaadiniinta ku xiran daafaha caalamka, waxaana jira daddaalo ku aadan arrintaas oo uu wado xafiiska.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...