Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Soomaaliya oo UNHCR hordhigtay qorshaha barakacayaasha iyo Qaxootiga

Geneva (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Sooomaaliya, Axmed Macalim Fiqi ayaa waxaa uu magaalada Geneva, ee dalka Switzerland uga qeyb galay Kalfadhiga 73-aad ee guddiga fulinta ee Hey’adda Qaxootiga Adduunka.

Kulanka oo ay Wasiir Fiqi ku wehlisay ka qeybgalkiisa Amb. Ebyan Maxamed Saalax oo ah safiirka soomaaliya ee dalka Switzerland ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu wasiir Fiqi ka jeediyey kulanka waxaa uu hey’adda iyo beesha caalamkaba uga mahadcelinaya dadaallada ay ku taageeraan Soomaaliya ee sidii xalwaara loogu heli lahaa kuwa dhibaateysan iyo qaxootiga.

Wasiir Fiqi waxaa uu guddiga hordhigay xaaladda guud ee dalka, isaga oo sheegay in August 31, 2022 wixii ka dambeeyey uu taagnaa walaaca dowladda federaalka iyo hey’adda qaxootiga adduunkaba ee ah dhibaato saameysay dad gaaraya ilaa 3.1 milyan, oo isugu jira barakacayaal, kuwa dalka dib ugu soo noqday, qaar magangaliyodoon ah iyo qaxootiba.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay saxiixeyaasha baaqii Nairobi ee 2017kii oo qorshe,  xal waara iyo wadashaqeyn wax ku ool ah IGAD lagala shaqeynayo sidii loo xalwaara oo horumar ah looga gaari lahaa qaxootiga gobolka, oo ay ku jiraan in la abuuro xaalado ay dib ugu noqon karaan”.

Dowladda Somaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii dadka Soomaaliyeed looga caawin lahaa abaarta ku habsatay, waxaana ay taageero ka codsatay Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Gudaha si gurmad loo soo gaarsiiyo dadka ay saameeyay Abaarta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...