Friday, May 8, 2026
31.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Ruushka Putin oo war ka soo saaray duqeymaha lagu qaaday magaalooyinka waaweyn ee Ukraine

Moscow (Halqaran.com) – Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa ka hadlay duqaymaha xoogan ee ka soo cusboonaaday magaalooyinka waaweyn ee dalka Ukraine.

Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka ee Ruushka ayaa shalay iyo maantaba duqaymo xoog leh ka gaystay magaalooyin ay ka mid tahay Caasimadda Kyiv.

Duqaymahan oo noqonaya kuwii ugu cuslaa ee muddo billo ah ee Moscow ka gaysato dalkaasi ayaa galaaftay nolosha 19 qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Mr Putin ayaa sheegay in duqaymahan ay jawaab u yihiin qaraxii maalintii Sabtida lagu burburiyay buundadii ugu muhiimsaneyd ee Gobolka Crimea.

“Ka dib amarkii ka soo baxay Wasaaradda Difaaaca iyo sida uu qeexayo qorshaha guud ee Ruushka waxaa la qaaday weerar xoog badan, iyada oo la adeegsanayo gantaalada ridada dheer, oo laga tuuray hawada, badda iyo dhulkaba, kuwaa oo lala eegtay xarumaha tamarta, saldhigyada militariga iyo isgaarsiinta.” Ayuu yiri Madaxweynaha Ruushka.

“Haddii ay sii socdaan isku dayada lagu fulinayo ficilada argagixisada ah ee ka dhanka ah dhulkayaga, jawaabta Ruushka way xoog badnaan doontaa, awoodeedana waxay ku xirnaan doontaa, hadba inta ay le’eg yihiin khataraha ka dhanka ah Ruushka. Cidna yaanu shaki ka gelin arrintaas.” Ayuu sii raaciyay Madaxweyne Putin.

Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey ayaa cambaareeyay weerarrada dib uga soo cusboonaaday magaalooyinka dalkaasi.

Dowladaha Mareykanka iyo Jarmalka ayaa sheegay inay Ukraine ugu deeqi doonaan hannaanka casriga ah ee difaaca cirka.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inaanan dalkiisa lagu cabsigelin karin mowjaddii ugu dambeysay ee weerarada ba’an ee Ruushka. Waxa kaloo uu sheegay in dadka reer Ukraine ay hadda, sidii hore si ka daran u mideysan yihiin, isla-markaana ay u dhiiran yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...