Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Dowladda Soomaaliya oo amartay in Safiirka Kenya uu ka baxo dalkeeda (Ogow Sababta)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dalkeeda ka saartay Safiirkii Kenya, kaddib markii ay Xukuumadda Nairobi ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha.

Amb. Lucas Tumbo, Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya. Tallaabada lagu eryay waxay ku soo aadaysaa, isagoo dalka ka maqan.

Dowladda Somaliya ayaa sidoo kale sheegtay inay u yeeratay Safiirkeedii Kenya, Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Waxaa xusid mudan in Tarsan uu qudhiisu maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Villa Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ku eedeysay in ay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, islamarkaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.

Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa dhawaan waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya, William Ruto uu ku eedeeyay inuu yiri ‘Waxaan bedeli doonnaa Madaxda Dowladda Federaalka’ ee haatan talada dalka haya, si buu yiri qaadkii Kenya loo geeyo Somaliya.

Si kastaba ha’ahaatee, tani ayaa kaga sii dari karta xiriirka labada dowladood oo muddooyinkii ugu dambeysay ahaa mid sii lumaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...