Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay inay howlgal ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska gorgor ayaa howlgal ka fuliyey deegaanka Ceel-Maracadde ee gobolka Shabeellaha hoose.

Saraakiisha howlgalkan hoggaamineysay ayaa waxa ay sheegeen inay howlgalka ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale, howlgalka inta uu socday ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun ay Al-Shabaab lacagaha dad uga qaadi jireen iyo Maxkamad ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Maracadde ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War lagu daabacay Warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka Ciidamada ay ku dileen 17 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee aan howlgalka faah-faahin dheeraad ah laga bixin.

Ugu dambeyn, deegaanka mara-cadde oo ay ciidamada howlgalka ku fuliyaan ayaa ku yalla inta u dhexeeysa dhulka dhoobeeyda iyo dhanka xeebta ee degmooyinka Afgooye iyo marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...