Saturday, July 18, 2026
25.9 C
Mogadishu

Mid ka mid ah raggii loo heystay weerarkii Jamacadda Gaarisa oo Xabsiga isku dhex dilay

Gaarisa (Halqaran.com) – Nin u dhashay dalka Tanzania oo loo heystay inuu ku lug lahaa weerarkii sanadkii 2015 lagu qaaday Jaamacad ku taalla magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayna ku dhinteen 148 qof ayaa isku dilay gudaha xabsiga, sida laga soo xigtay booliiska iyo maamulka xabsiga.

Afarta qof ee lagu eedeeyay weerarka waxaa gudaha Jaamacadda ku toogtay ciidamada ammaanka, balse Rashid Charles Mberesero, iyo labo kale ayaa sanadkii hore lagu xukumay inay qorsheynayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan tihiin kooxda Al-Shabaab. Mberesero ayaa lagu xukumay xabsi daa`in.

Wargeyska dalka Kenya ka soo baxa ee Standard ayaa shaaciyay in ninkani uu maskaxda ka xanuunsanaa intii uu xabsiga ku jirayna uu la kulmi jiray dhaqtar cilmu-nafsiga ah.

Sidoo kale, Wargeyska The Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa isagana sheegay in Mberesero uu isku daldalay gudaha xabsiga isaga oo adeegsanaya bustihiisa.

Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay inay dagaal kula jiraan Kenya tan iyo markii ay ciidamadeeda galeen Soomaaliya bishii October 2011, si ay meesha uga saaraan kooxda oo dagaal kula jirta DF Soomaaliya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...