Dowladda Soomaaliya oo agab caafimaad oo lagula tacaalayo Covid-19 geysay Galmudug+(SAWIRRO)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah agab caafimaad geysay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, kadib markii diyaaraddii siday ay ka degatay Garoonka Ugaas Nuur.

Agabkan caafimaad oo laga diray Magaalada Muqdisho ayaa ka kooban agabka kaalmaatiga ah ee lagula tacaalo Cudurka safmareenka ah ee Coronavirus.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa agabkaasi kula wareegay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ka gaddoomay xubno ka socday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Cali Daahir Ciid ayaa Dowladda Federaalka kaga mahadceliyay codsigii dhawaan ay u jeediyeen Madaxda Galmudug.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in agabkaasi loogu talagalay in la geeyo Degmooyinka Caabudwaaq iyo Balanbale ee Gobolka Galgaduud.

Degmooyinkan ayaa laga soo wariyay in uu saameeyay Cudurka COVID-19, inkastoo bulshada ku dhaqan aan lagu samayn baaritaan dhaba oo lagu ogaan in xanuunka uu gaaray iyo in kale.

Tani ayaa noqoneysa markii saddexaad oo muddo toddobaad ah ay Dowladda Federaalka agab caafimaad ku kala geyso Magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com