Thursday, June 4, 2026
28.3 C
Mogadishu

Boosaaso: Puntland oo xukun dil ah ku riday haweeney soo xaday ilmo yar

Boosaaso (Halqaran.com) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ayaa Khamiista maanta ah xukun dil toogasho ah ku riday haweenay lagu soo eedeeyay inay soo xaday ilmo yar oo aysan dhalin.

Haweeneydaan oo lagu maacaabo, Ruqiyo Cabdi raxmaan Maxamed ayaa lagu eedeeyay inay soo xaday ilmo yar oo aysan dhalin, kadibna ilmahaasi uu ku dhintay gurigeeda intii ay gacanta ku haysay.

Guddoomiyaha maxkamadda derejada koowaad ee gobolka Bari Abukar Cabdinuur Jaamac oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in eedaysane Ruqiyo ay qiraal ka tahay dambiga lagu soo oogay ee ah in ay xadday gabar sannad jir ahayd taasi oo gurigeeda ku dhimatay sabab kastaba ha u dhimatee.

Sayga qaba haweeneydaas la xukumay oo lagu magacaabo, Ismaaciil Cali Nuur ayay sidoo kale maxkamaddu ku xukuntay saddex sannadood oo xarig ah, inkastoo aan lagu helin caddayn muujinaysa in uu qayb ka ahaa xatooyada ilmahaasi yar.

Ugu dambeyn, maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ayaa sheegtay in labada xukmane oo kala ah haweeneyda iyo saygeeda ay haystaan mudda 30 cisha ah oo Rafcaan qaadasho ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...