Dowladda Somaliya oo sheegtay inay weerar lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Hiiraan (Halqaran.com) – Ciidamada Dawladda iyo dadka deegaanka oo is kaashanayaa ayaa subixii Talaadada maanta ah howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Xalfooleey oo ku yaalla meel u dhow xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Al-Shabaab socoto ahaa ay gubeen mid ka mid ah gawaaridii ay wateen, isla markaana ay dileen tobaneeyo ka tirsan Al-Shabaab ee halkaas ku safrayay.

Sidoo kale, Saraakiisha waxaa ay sheegeen in qorshahaan weerarka ah uu yahay mid ku cusub Al-Shabaab, ciidamada dowladana ay markasta diyaar u yihiin inay beegsadaan halkii lagu arko xubnaha katirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka ayaa weli deegaanka Xalfooleey ka wada hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com