Saturday, April 18, 2026
30.1 C
Mogadishu

Dowladda Somaliya oo sheegtay inay weerar lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Hiiraan (Halqaran.com) – Ciidamada Dawladda iyo dadka deegaanka oo is kaashanayaa ayaa subixii Talaadada maanta ah howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Xalfooleey oo ku yaalla meel u dhow xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in Ciidamada oo si xirfadaysan jidka ugu galay Al-Shabaab socoto ahaa ay gubeen mid ka mid ah gawaaridii ay wateen, isla markaana ay dileen tobaneeyo ka tirsan Al-Shabaab ee halkaas ku safrayay.

Sidoo kale, Saraakiisha waxaa ay sheegeen in qorshahaan weerarka ah uu yahay mid ku cusub Al-Shabaab, ciidamada dowladana ay markasta diyaar u yihiin inay beegsadaan halkii lagu arko xubnaha katirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada dawladda iyo dadka deegaanka ayaa weli deegaanka Xalfooleey ka wada hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...