Thursday, May 28, 2026
26.9 C
Mogadishu

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay Shabakad Maaliyadda & hubka u qaabilsan Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Waaxda maaliyadda ee dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay heshay xogta ku saabsan dad ka tirsan shabakad isku xiran oo dhanka fududeynta dhaqaalaha u qaabilsan Ururka Al-Shabaab, kuwaasoo la soo bandhigay magacyadooda.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga internet-ka ee Waaxda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiriye muhiim ah oo u dhexeeya kooxda iyo shirkadaha maxaliga ah ee Soomaaliya.

Shabakaddan ayaa ku howlanayd soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo hawlo la xiriira qorista dadka ku biiraya al-Shabaab.

Sida lagu sheegay warkan, marka laga soo tago in ay hormuud ka yihiin Al-Shabaab, fududeeyayaashan waxa ay xiriir toos ah la sameeyeen saraakiil kale oo horay loogu aqoonsaday iney yihiin Al-Shabaab.

Liiska magacyada la shaaciyay ayaa kala ah sidan:

ABDULLAHI JEERI – oo la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab.
KHALIF ADALE – oo lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn

HASSAN AFGOOYE – oo lagu sheegay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda. Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay $5 milyan.

ABDIKARIM HUSSEIN GAGAALE – oo lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qeybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate

ABDI SAMAD  – oo lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh Golaha sare ee kooxda.

ABDIRAHMAN NUREY – oo lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay

Saddex qof oo kale ayaa sidoo kale la shaaciyay, kuwaasi oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu ka la yihiin: Mohamed Hussein Salad (Salad), Ahmed Hasan Ali Sulaiman Mataan (Mataan), iyo  Mohamed Ali Badaas (Badaas).

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...