24.5 C
Mogadishu
Saturday, August 13, 2022

Dowladda Somaliya oo qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiisay degmada Xudur ee gobolka Baay

Xudur (Halqaran.com) – Mas’uuliyiin ka socota xukuumadda oo ay hoggaaminayeen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Talaadada maanta ah qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay degmada Xudur ee gobalka Bakool, si sare loogu qaado awoodda la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad iyo dawooyinka oo lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed, Maamulka gobalka Bakood iyo maamulka degmada Xudur, waxaa kamid ah Maaskaro iyo dharka ay xirtaan howl-wadeennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada la xanuunsan Coronavirus.

Wasiirka caafimaadka Koonfur Galbeed, Maxamed Cusmaan Xaaji, Guddoomiyaha gobalka Bakool, Maxamed Cabdi Maxamed (Tall), iyo guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallim Axmed, ayaa ka mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee dowladda federaalku ku wareejiyay.

Howl-wadeennada farsamo ee ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xudur geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay qalab caafimaad iyo dawooyin u gaarsiisayay degmooyin iyo goballo ka tirsan dowlad gobaleedyada dalka si sare loogu qaado dadaallada kahor tagga iyo xakameynta xanuunka COVID19 ee dhibaatada ku haya dunida oo dhan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

Latest News

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as...

One million people displaced by drought in Somalia, says UN

A historic drought in Somalia has now displaced one...

Uganda, Somalia ink MoU on Defence Cooperation

Somalia and Uganda have signed defence cooperation agreement following...

FAO appeals for over $130M to assist 882,000 people across drought-hit Somalia

By - Mohammed Dhaysane  / AA The UN Food and...

Kenyan presidential candidates in final dash before vote to succeed Kenyatta

Flanked by cheering crowds, the frontrunners in Kenya's presidential...
spot_img

Duqa Muqdisho ‘Cumar Filish’ oo dhagax dhigay dhismaha Buundo muhiim ah

Muqdisho (Halqaran.com) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Sabtida maanta ah dhagax dhigay dib-udhiska Buundada...

DAAWO VIDEO: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dardaaran cajiib ah u diray Shacabka Somaliland

Muqdisho (Halqaran.com) - Madaxweynaha JF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay mudaaharaadyadii rabshadaha xigay ee Khamiistii ka dhacay qaar ka mid ah Magaalooyinka...

Ex-Aljazeera journalist voted in as Wajir South MP

By BERTHA OCHOMO Ex Aljazeera journalist has been elected as Wajir South member of parliament. Mohammed Adow who was a correspondent of the international media won...