Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Dowladda Sacuudiga oo go’aan kasoo saartay Cumrada bisha barakeysan ee Ramadaan

Riyadh (Halqaran.com) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii sheegay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka COVID-19 loo ogolaan doono Cumrada, laga billaabo bisha Ramadan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday.

Dadkaas kaliya ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.

Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa bartamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto. Sidoo kale ma cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax kayar hal sano kadib markii Sacuudi Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka.

Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Xajkii 2020 ayaa waxaa ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yar ka qeyb-galayaashii 2019 oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid dunida.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...