Thursday, February 12, 2026
24.4 C
Mogadishu

Diyaarad ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Beledweyne

Beledweyne (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ay ku dhacday diyaarad.

Diyaaradan oo goor dhaweyd dhacday ayaa ku gubanaysa Garoonka dhexdiisa, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay diyaarada inay dhacdo.

Warar ay warbaahinta Halqaran.com ka helayso Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarada soo dhacday ay aheyd nooca qaada xamuulka Cargo, islamarkaana ay Garoonka ku soo dhacday.

Ilaa iyo hadda lama hayo macluumaad intaan ka baxsan oo ku saabsan Diyaarada soo dhacday meesha ay ka timid iyo haddii meel kalaba ay ku sii socotay.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ayaa isku dayaya inay baqtiiyaan diyaarada ku dhex gubanaysa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...